Xirfadaha Onlineka Looga shaqeesto||free course

Siyaabaha kala duwan ee online lacag looga sameeyo
Waxaan maqaalkaan idinkula wadaagayaa siyaabaha kala duwan ee aad adigu lacag uga sameen karto onlineka waxaana ku barayaa mida ugu fudud uguna daqliga yare e ad isla manta ku dhaqaaqin kartid si fiican u aqri maqaalkaan kadib ku dhaqaaq mida kula noqoto inay tahay mid kuu sahlan ama kuu daqli yar.
Dad badan ayaa jiro oo sameeyo been abuuro ama apps fake ah oo lagu sheegaayo inaad lacag ka sameen kartid balse aan raad iyo raqba laheen, Run ahaantii waxaan aad ugu xumahay in dad badan ay aaminaa in si fudud lacag qof kugu siinaayo, Waxaa is weydiisaa qof miyaa jiro lacagtiisa si bilaash ah aduunka ugu qeybinaayo malaha haduu jiro waa……………………… intaasne waa kaftan waayo jawaabta waa iska cadahay oo majiro.
Waxaa xasuustaa bari aan ku cusbaa social media waliba siyaabaha lacag looga sameeyo onlineka ayaan waxaa arkay website aanan magacaaben hada websitekaas waxa uu soo bandhigay sheeko qiyaali ila ah hada balse markaas aan u heestay inay run tahay taas oo aheed in aad muuqaal daawatid kadibna lacag aad sameesid,, Horta way jirin karaan websites sidaas ku shaqeesta balse faaidada ayaga un baa helaayaan waayo waxa la daawanaayo waa xayeysiis qofka lacagta kusoo qaatay xayeysiiska waa asiga waxba lama ahan inuu dhowr qof (commintion) ka siiyo balse boqalaal kun oo qof miyaa lacago la siin karaa?
Dhowr maalin aan websiteka aan ku jiray oo aan daawanaayay xayeysiiska oo ay iga baxeen lacagu internet data ah waayo xiliga aan sheegaa lama aqoon unlimited data (lacagta waqti ka waqti dhamaaneeso) sidaas darteed lacagta aad ku shubataa hadaad muuqaal ku dawatid dhaqsi ayay ka go’eysay, ugu danbeynti waxaa sameeyay lacago faro badan balse waxay kusoo dhamaadeen in websitekii hawada iskaga baxo waayo dantooda waxay aheed in xayeysiiska la daawado un wayna gaareen.
Halkee ayaan wax ka bilaawaa?
Hadaad doonesid inaad online daqli ka sameesid waa inaad la timaadaa fikrad kuu gaar ah ama fikrad soconeeso oo aan ula jeedo fikrad hore qof ugu guuleestay.
Waa kuwaan dhowr dariiqo oo aad freelencer ahaan daqli ugu sameen kartid:
- Inaad baratid xirfada graphic design, xirfadaan qarash badan kuma baxo in la barto balse waqti badan ayaa ku baxo in si fiican loo barto, waxaad ugu shaqeesaneesaa qaab freelancer ah adiga oo xirfadaada kusoo bandhigaayo websitesyada fivver.com, upwork.com, freenlencer.com iyo kuwa lamidka ah soo bandhigada xirfadaada waxay kaa cawineesaa inaad heshid macaamiil rabto in loo qabto shaqo.
- Inaad baratid xirfada social marketing waa xirfadaha aysan somalida u badneen, waa xirfad ku cusub dunida sidaas darteed shirkadaha waxay ku bixiyaan lacago faro badan in marketing(xayeysiis) loo sameeyo siyaaba xayeysiiska loo sameeyo maqaal ayaa ka diyaarin doonnaa.
- Inaad baratid xirfada web design and web develop labadooda inta badan waa la isku bartan karaa oo waxay kuu sahleesaa inaad si freelancer ah aad ugu shaqeesato
Web design waa inaad websiteyada nashqadeesaa tusaale: qof ayaa kuu imaanayo waxuu ku leeyahay “waxaan rabaa website aan alaabaha ku iibsho” marka waa inaad u nashqadeesaa website qurux badan oo uu ku qancin karo.
Web develop waa inaad dhistaa websitekii la soo nashqadeeyay oo aad u dhista sida qofka web designerka ahi u nashqadeeyay adiga oo isticmaalaya platform kii kuu fududaada inaad code qortid ama inaad wordpress ku dhistid, waxaana fudud wordpresska.
Sidaas darteed waa inaad sameesaa meel aad xirfadaada ku soo gudbisaa hadii ahaan laheed website portfolio ama inaad account ka furatid platformskaan fivver,upwork, freelencer etc.
- Inaad baratid xirfadaha yar yare e sida fudud lacagaha loogu sameeyo waan tan aan inta badan lacagaha ka sameeyo sidaas darteed meeshii aan lacag ka sameeyaa adna waa ka sameen kartaa waayo kaama maskax iyo aqoon badni, kaliya baaritaan iyo cashiro badan ayaan qaatay taas ayaana iga saaciday inaan xirfadahaas ku shaqeesto
Xirfadahaas waxaa ka mid ah blogging,E-commerce,digital marketing iwm
Dhamaan xirfadahaan courses FREE ah ayaan ka diyaarinay waadna qaadan kartaa adiga oo isdiiwaan galinaayo kaliya
F.G xirfaha aan soo sheegay kuma ego ee waxaa jiro kuwa kale oo badan balse inta aan aqoonta u lahaay ayaan kula wadaagay kuwa kalane markale ayaan ka hadlin doonaa
Gunnaanad.
Inaad lacag sameesid ma ahan wax adag balse waa inaad sameesaa research badan(baaritaan) oo aad courses qaadatid si xirfadaada ay u korto waxaan kuula talin lahaay inaad xirfada marka baratid aadan dhihin waa bartay bis halkaas iiga akeey ee waa inaad coursedii cusuba qaadataa oo aad soofeesaa xirfada aad baratay waa wax walba waa joogteen iyo gacan ku heeyn
Waxaa umaleenaa inaad maqaalkaan wax badan ka fahantay ana waxaa ku faraxsanahay in aan fikirkaaga badalo oo kuu jeediyo dhanka ka shaqeesiga onlineka taas oo ay dhalin yaro badan ku araarugsaneen.
M.sh
Shaqeyste
Ina sameynaa online shaqa ah
Ha
Diya Ayan ahay
Haa
Apdijibaary@gmail.com