Waa maxay Theme Sideene Loogu Shubtaa Themes Freee ah? #2

Copy of baro sida lacag looga sameeyo blogging 23

Maqaalkaan waxa aan uga hadleenaa sida loogu shubto theme qurux badan websitekaaga kaas oo ah FREE(bilaash), Maqaalkii kan ka horeyay waxa kusoo bandhigney sida loo dhiso website caalami ah hadii aadan oo aqrisan kii hore kan inaad fahanto way kugu adkaaneesaa halkaaan ka aqriso

Si aan ugu shubo theme websitekeena waxaa marka hore laga maarmaan ah inaan websitekeena ku shubanaa cms ka WORDPRESS Kaas oo naga caawin doono inaan si fudud ugu shubano theme free(bilaash ah), si marka aad wordpress u heshid local ah maqaalkaan daawo………………………

Aan fahano waxa uu theme yahay ama wax yaabaha uu qabto theme

themes ka waxaa loo kala qaadaa labo nuuc Nuuc free ah Iyo Mid Lacag ah, kan lacagta ah miyuu ka fiican yahay kan freega ah?

Waa su’aal fiican jawaabtu waa adi ahaantaada hadaa tusaale kugu soo qaato hadaad aragto sheey free ah ama shey lacag ah midkee ayaa ku qanceesaa oo nafta raali ka noqoneesaa, dabcan waa kan lacagta ah, waayo waxaa la dhahay sheyga intuu qiimo leeyahay ayay dadkuna rabaan mar hadii qiimaha laga qaado cidna ma rabto.

Tusaale kale: shirkada apple ee soo saarto Mobileda iphoneska ma is weydiisay sawabta ay dadka u iibsanayaan mobiladooda qaaliga ah mudo badane ay suuqa ugu jireen, jawaabta ayaa ah waxay qiimo u yeeleen alaabtooda dadkaana sidaa hore u sheegnay sheyga qiimaha badan lagu sheego ayaay u jacel yahiin.

Theme waa wax lagu shubto websiteska waana waxa inta badan website lagu dhiso, Aan gudo galno shaqada,

marka hore tag dashboard

A

Marka xigta tag apprience

C

Ugu danbeen dooro themes

Tilaabada xigta waa inaad kala doorataa in aad theme computerkaada ku jiro ku shubaneesid iyo inaad si caadi ah ugu shubaneesid

Marka aad wordpress dhexdeeda uga shubaneesid waa inaad tagtaa Themes Kadibne Addnew so, raac tilaabooyinkaan

  1. Raadi themeka aad doonesid inaad ku shubatid
D
  • raadi themeka aad doonesid.
  • Marka aad themeka heshid, dooro install > active
e
  • Ugu danbeen themekaaga waxa aad saaratay websitekaaga dhamaan dadka soo booqdana way arkin karaan waxa kuu saaran theme kaaga.

Marka aan themeka ku shubto halkee wax ugu badalaa?

Waxaa jiro plugin loo yaqaan Elementor(page builder), Elementor waa plugin lagu dhiso websiteska waana page builder oo aan ula jeedo waxa aad ku dhisin kartaa Hal page halkii marba,

sidee loogu shubtaa pluginkaas macalinow?

Waxaa tagtaa qeybta pluginska

f
Then dooro addnew

Kadib raadi Elementor

g

Ugu danbeeyn dheh install kadibne active gareey

Waxaa jiro labo nuuc oo Elementor ah

  1. Elementor free
  2. Elementor pro

Kaliye waxay ku kala duwan yahiin kan koowaad waa mid bilaash ah oo aan wax lacag ah lagaa rabin halak Elemenentor pro uu yahay lacag qofkii u baahan ha ila soo xariiro

WordPress.org waa halka aad kasoo dagsan karto themes bilaash ah iyo kuwa lacag ah sidoo kale waxaa jiro websiteka ugu caansan ee iibsha theneska iyo waxyaabaha la mid ka ah sida pluginska websitekaas waxaa la dhahaa EVENTO.com , sidaan og nahay themeska inta badan waa lasoo dusiyaa(lasoo xadaa) yacni qofaa iibsanaya kadibne themekii ayuu si bilaash ah ku bixinayaa asaga oo u dan leh in aan qof kle lacag looga qaadan, marka waa inaad raadisa kuwa lasoo dusiyay halka aad lacag ka bixin laheed.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *