Waa Maxay chatGpt AI, Sidee Ayuu U Shaqeeyaa?

Copy of baro sida lacag looga sameeyo blogging 6

ChatGPT waa aalad casri ah oo ay sameeyeen Shirkada OpenAi oo ku taal carigaas iyo mareykan aaladaan waxay ku dhisan tahay caqliga macmalka ah ee (Artificial intelligence AI ). Waxaa daaha laga qaaday sanadkii aynu soo dhaafnay 30 nov 2022 waxaana loosoo fasaxay qaab tijaabo ah.

Waxaa la leeyahay ujeedka aaladaan waa in ay qabata shaqooyinka dadka ay qaban jireen hadii ahaan laheed CODE ama su’aalaha ay la weydiin jiray google,

Sidaan ognahay chatGPT waxay hawada ka saarin rabtaa Google iyo Aaladaha lamid ah ee dadka wax ka raadshaan sida EDGE oo waxa la leeyahay way ka sahlan tahay marka loo eego dhamaan Search engineska wax laga raadsho.

ChatGPT su’aalaha aad weydiisaa 100% si saxan kaagama jawaabeeso balse waxay ugu jawaabesaa sida ugu macquulsan, marnaba si buuxdo ha u aaaminin jawaabaheeda.

pexels tara winstead 8386440

AasAasayaasha ChatGPT

Waxaa lagu sameeyay California dalka mareykana 30nov 2022, waxaana ictiraaqay dad badan oo iskugu jiraan professor,maalqabeeno sida Elon musk waxana CEO Ka ah chatGPT Ninka lagu magacaabo sam altman.

Maku kalsoonaan karaa chatGPT?

Marka hore aalad aan bini aadam aheen laguma kalsoonaan karo oo waxaaba haatan lagu kalsoonaan la yahay bini Aadamkii marka 100% laguma kalsoonaa karo chatGPT balse xogta ku jirto waa xog lagu keydshay waxii ka horeeyay 2022 sidaas darteed waxii 2022 ayay kaaga jawaabeesaa. Balse markale waxaa idin leeyahay yaan la isku haleen chatPT oo marka aad jawaabta hesho iska fiiri sax ahaan shaheeda.

Luuqadaha uu ku shaqeeyo Somali maku jiraa?

Luuqadaha uu ku shaqeeyo way badan yahiin balse nasiib wanaag luuqadeena Hooyo E somaliga ah Way ku jirtaa inkastoo ay yiraahdeen 100% sax ma ahan oo tijaabo wye, luuqadaha sida saxda ah loo tijaabshay waxa kamid ah English iyo French.

pexels kindel media 8566472

Sidee ku isticmaalin karaa?

Waxaa nasiib xumo ah in ayadoo luuqadeena ku jirto in aysan wadankeena ka shaqeen waxaa is weydiin mudan maxay luuqadeena ugu soo dareen hadii aysan u ogalaaneen in ay Somalia ka shaqeeso,

waa maxay xalku?

Xalku waa in aad wadan kale ku sameesataa Aaaladaan waayo Somalia waxay ku eedeeyeen inaysan Adress laheen, sidaas darteed wadamada kuugu dhow ayaa ku sameesan kartaa sida Kenya, Ethobia iyo South Africa.

Hadii aad heshid address dibada ah sidee ku sameesan kartaa?

Waxa sameesanee inaad lasoo degtid VPN kadibne wadanka aad saaranee aad VPNka ku xirtid, sidaas ayaane ku isticmaalin kartaa

Dhawaan ayaan muuqaal ka diyaaarin doona inagala socta youtube chenel Gacan qabad online

pexels tara winstead 8849295

Qaar kamid ah su’aalaha la weydiiyay chatGPT

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *