Waa maxay suuqgeynta baraha bulshada(social media marketing)?

Waa hab cusub oo kusoo korartay internetka taas oo ah in alaabaha la doonaayo in iibiyo lagu soo xayeysiiyo baraha bulshada ay dadka u badan yahiin gameska ay dadku inta badan ciyaaraan iyo websiteska.
Xariirka ka dhaxeeyo baraha bulshada iyo suuqgeynta
Baraha bulshada waa bar ay ku kulanto bilaayin qof halkaas oo ay fursad wayn ay ka helin karaa dadka doonaya in alaab loo xayeysiiyo amasa doonaya macamiil badan, waa suuq u furan qof walba oo dunida joogo lehna ganacsi doonayana inuu dadka gaarsiiyo.
Qof walba wuu baran karaa suuqgeynta casriga ah balse inta badan dadka ma helaan ama ma gaarsiiyaan dadkii alaabaha ama badeecada u baahnaay, waxaa la yiraahdaa qofka in uu waqti badan galsho si u si fiican ugu baran lahay suuqgeynta casriga ayaa wanaagsan si uu meesha uu doonaayo alaabta ama badeecada uu xayeysiinaayo u gaarsiiyo.
Sidee ku gaarsiin karaa Badeeco/Alaab dadkii u baahnaay?
Baraha bulshada waxaa isugu yimaado dadyow faro badan sida kuwa usoo galo madadaalo,kuwa usoo galo inay xog ka baaraan iyo kuwa usoo galo inay alaab ka iibsadaan si ayaga oo gurigooda joogo loogu keeno alaabta.

Xayeysiinta waxaa loo sameeya in la helo macamil wax iibsada sidaas darteed marka aad wax ku xayeysiiso, xayeysiintaadu waxay gaaresaa inta qof ee aad markaas dooratid marka dadkaas oo dhan wax ma iibsanaayaan balse waa inaad xooga saarta dadka doonaya inay wax iibsadaan.
Nuucyada xayeysiiska
Waxaa jiro nuucyo badan oo wax loo xayeysiiso waxana ugu caansan looguna isticmaal badan yahay baraha bulshada oo ay tahay inaad diirada saarto si aad ugu faa’ideesato dadka isticmaala baraha bulshada.
Sidee loo xayeysiiyaa Alaab/Badeeco?
Marka aad wax xayeysiineeso waxa mareesaa dhowr tilaabo oo ay lagama maarmaan tahay inaad wax ku xayeysiiso
Mida koowaad: inaad facebook,instgram,twiter iyo iwm aad alaab kusoo bandhigtaa kadibna waana bilaash.
Mida labaad: ayaa ah inaad xayeysiinta aad sameeso lacag ku bixisaa (digital marketing) marka waxaa laguu ogal yahay inaad:

- Inaad gaarsiisid inta qof ee aad dooratay waxayna ku xiran tahay lacagta aad dhiibtid hadii aad $1 dhiibatid waxaa laguu gaarsiinaa 4k qof.
- Inaad kala dooratid dadka aad alaabta u rabtid ma Rag baa mise Dumar alaabaha qaar dumarka ayay loogu tala galay sida kabaha dumarka,
Marka adoo iibinaa kabo dumar, xayeysiinta dadka aad gaarsiineesid rag kama dhigan kartid waayo ragu ma xirtaan kabo dumar.
- Inaad dooratid locationka(dadka aad gaarsiinee mesha ay joogaan) midaan waa muhiim inaad sameesid waayo hadii aad soomalia joogtid gaar ahaan koonfurta Somalia way kugu adkaanesaa inaad alaab gaarsiisid Hargeysa oo kale, balse waa inaad beegsataa dadka joogo mogadisho iyo nawaaxigeeda sidaas ayaadna macaamiil badan ku helin kartaa.

Gunnaanad.
Qarnigaan hada lugu jiro waa qarnigii tiknoolijiga waa laga soo tagay xiligii wax lagu xayeysiin jiray Idaacadaha(Radio) waxa la maraa in wax lagu xayeysiiso qaab Digital ah kaas oo ka fudud kana qarash yar sidii hore, hadaad ganacsi leedahay aadna u rabtid in laguu xayeysiiyo ganacsigaada waxaa jirto Somali badan oo taqaan xirfada xayeysiinta digitalka ah sida gacanqabad.site oo ah madal E-waxbarasho sidoo kale ku xeel dheer xayeysiinta baraha bulshada.
Website waa u imaaday inan kashaqeysto wali si wanagsan aana barto xirfadaha kala duwan ee lagu barto
Wayo faida lakaha bulshada
Am really excited
Am here to enjoy and learn some knowledge