Sideen ku baran karaa xirfad kasta Hal maalin gudaheed 2023?

Marka laga hadlaayo xirfad waa skill(xirfad) qof walba baran karo xirfadaha waxa lagu shegaa inaysan aheen kuwa barashadooda adag tahay balse u baahan fahan buuxdo,waxa la sheegaa inay jiraan kumanaan xirfad oo aduunka looga shaqeesto kuwaas oo loo kala qaado kuwa gacanta lagu qabto sida inaad noqotid:

Xirfadaha gacanta
- customer support(caawiyaha macamisha tukaamada waa weyn),
- Turjumaa: inaad baratid labo luuqad sida English iyo Arabic kadibna aad labadooda turjumaa ka noqotid, hey’adaha aad ayey u daneenaayaan qof xirfadaan leh.
- Teaching: inaad maado baratid hadii ahaan laheed MATH,CHEMISTRY,BIO,PHYSICS kadibna aad barre sii noqotid ama macalin sida aad u taqanaan intiina badan.
Xirfadaha gacanta ma ahan kuwa halkaan lagu soo koobin karo balse adiga naftaada marka hore weydii halkee ayaan ku fiicanahay anigu, kadib meesha aad jeceshahay inaad ka shaqeesid meesha aad ku firfircoon tahay iyo meesha aad u badan tahay waa inaad xooga saartaa barashadeeda,
Marnaba ha u baran xirfad hebel ayaa lacag ka helo ee ane aan lacag ka helo balse baro xirfada naftaada xasilooni ku dareento, waxaa la yiraahdaa “qof walba waxa uu ku hamiyo ayuu yahay” hadaad hami sarre leedahay ogow waad gaareesa balse hadaad naftaada waxba u arkin una heesatid inaad xirfad baran Karin marnaba lagama yaabo inaad baratid.
Xirfadaha internetka ugu sareeyo 2022
Halkaan waxaa kuula wadaaga xirfadaha onlineka loogu shaqeesi badnaa sandka 2022 kuwaas oo ah kuwa fudud iyo kuwa adag balse sanadka 2023 waa inaad xirfad kamid ah aad taqaano ama labo ka mid ah waa inaad fahan guud ka heesatid
Waa kuwaan Top skills 2023”
- Computing

- Communication
- Artificial intelligence
- UX design
- Web development
- Teamwork
- User interface design
- Data visualization
- Critical thinking
- Graphic design
Xirfadahaan oo faahfaansan halkaan ayaad ka aqrisaneesaa top skills2022
Sideen ku baran karaa xirfad hal maalin gudaheed?
- Aamin naftaada: waa inaad naftaada siisaa kalsooni ah inaad baran kartid xirfad kasta adna aad la timaadaa dadaal, aaminaada nafta waa tan ugu weyn inaad xirfad cusub baratid.
- Is weydii meesha aad ku fiican tahay had iyo jeer aad u badan tahay agjoogeda ama aad inta badan is dhahdid waa inaan waxaas qabtaa, waa inaan xirfadaas bartaa.
- Kadib marka aad dooratid xirfad tan labaad waa inaad isla markii aad xirfadaas baaritaan ku sameesaa aadna qaadata courses quseeya xirfada aad dooratay.
- Ku dhaqan xeerka 80/20% xeerkaan waxa uu sheegayaa in hadii 10shaqo kuu taal aad ay labo kamid ah muhiim kuu yahiin aadna labadaas ku dhaqaaqdaa xeerkaan waxa aad uga hadlay Brain tracy

Marka hadii aad 10xirfad rabtid inaad baratid waa inaad waa inaad 2 kamid ah xooga saartaa.
- Bar gacantaada: xirfada aad baraneysid waa in aad bartaa gacanta oo aad ku celcelisaa
- Ku bixi waqtigaaga ugu badan ugu yaraan 10 saacdood kadib marka si buuxda u fahantid ayaad waqti yar ku bixin karta balse bilowga hore waa inaad waqti badan galisaa xirfada aad baraneesid.
- Joogteey: marka aad xirfad baratid waa lagama maarmaan inaad gacanta ku heesid waayo hadaad wax baratid mudo aadan aqrin waad ilaaweesa sidaas oo kale ayay la mid tahay xirfadaha waa inaad joogteesaa waqti yar ama badan.
Baro wax aad baratay (Teach what you Learn)
Mowduucaan waa mid aad u muhiim ah waxa uuna ka hadlayaa inaad bartid waxa aad baratay, Side ku baran karaa waxa aan bartay? Waxa aad ku baranesaa ayaa ah in aad baratid xirfada aad baranesid si qoto dheer oo aad maalin walba baratid wax kugu cusub xirfadana quseeya hadaadan ifahhmin wali, waxaan kala jeeda haku ekaan inta yar ee aad baratay balse sii baro xirfada oo xaadir goobaha laga barto xirfadaha sida Youtube oo kale.
Gunnanad.
Markii la dhahaa xirfad hala barto ma ahan wax adag balse waxay rabtaa dadaal anigu malin walba xirfad ayaan bartaa oo aan daraasadeeyaa waayo hadii aan xirfadaas aan bartay shaqo banana ku helo waa ku shaqeesanaa marka waxaa kuula talin lahaay hadaad xirfad baratid haku ekaan halkaas xirfad ee baro kuwa kale si maalinle ah waxaa hubaa inaad hal maalin xirfad ku baran kartid.
Wa xirfad aan in badan radinaaye wlhi Wan ubaabhaa inaan Barto xirfado Kala duwan
I need to learn more things in 2023 so I hope you will help me
waa lagu cawina so dhawaw
Ok wll ika cawi