Lacag ka sameey xirfada bloging?

baro sida lacag looga sameeyo blogging

ma ahan wax adag inaad online lacag ka sameeso adiga oo maraayo siyaabooyin kala duwan kuwaani waa qaar kamid ah siyaabooyinka online lacag looga sameeyo

  1. E-commerec
  2. graphic desogn
  3. web design
  4. social media marking
  5. blogging
  6. adsense (youtube,website)
  7. iwm

waxaan si gooni ah u diirad saareena xirfada blogging oo aan u leeyahay in ka badan 3 sano oo taqasus ah, xirfadaan barshadeedu ma dhib badno oo qofka dadaala waxa uu ku baran jkaraa wax ka yar bil inaad noqotid blogger is hubo oo isku filan waxay kugu qaadaneesa sida badan mudo 6bil ah mararka qaar waxay qaadataa inaad xirfadaan lacag ka sameesid mudo halsano ah laakiin hadaad dadaal la timaatid sidoo kale aad heshid qof ku gacan qabto oo ku hago waxay kugu qaadanee inaad lacag ka sameesid mudo 3bil ah waa sida loo badan yahay.

maxaa lagaaga baahan yahay?

xirfadaan blogginka qarashkeedu waa aad u yar oo qof walba ayaa aran karo marka loo eego lacagta ku baxeeso barashadeeda iyo buuxinta sharuudaha ay leedahay waxyaabaha lagaaga baahan waxaa kamid ah

  1. inaad website leedahay
  2. inaad account adsense furatid
  3. inaad leedahay strategy kuu gaar
  4. inaad heshid traffic macquul ah
  5. inaad adress dibada ah heshid sida: ( USA iyo UK)
    • USA waa kan ugu fiican inaad accountkaada adsense ku furatid waaa kan aan kuula talin lahaay inaad raadsatid hadaad helin karto.

1. sidee website ku helin karaa?

website waa mid kamid ah platformska wax lagu soo gudbiyo waana meesha ay tahay inaad baratid si aad xariif ugu noqotid bloggingka, website waxa uu ka kooban yahay dhowr sheey oo la igu geeyayay sida: Domain, Hosting iyo ssl

Waa maxay domain?

Domain waa magaca websitekaaga uu lahaan doono sida (skilldam.com, google.com) waa magac kuu gaar ah oo uusan qof kale sameesan karin tusaale, websitekaan waxaa la dhahaa skilldam.com isla magacaan qof kale website kuma abuuran karoo sawabtoo ah aniga ayuu gaar ii ah sidaas oo kale magaca websitekaaga adiga ayuu kuu gaar noqon doonaa, domainka hadaad fahantay bal haatan baro siyaabaha lagu helo, domainka waa lagaa iibinayaa oo waxaa jiro companys badan oo iibiya domainka waxaadna ku helin kartaa wax ka yar $10 sanadkii, F.G magaca(domain) aad websitekaaga u bixineeso ha ahaado mid quseeyo waxa aad websitekaaga kusoo gudbineeso hadaad soo gudbinee cayaaraya(sports) isticmaal magaca(domain) ay la socdaan sports ama cayaarah sida laacib,skysports,goal.

maxuu yahay hostingkana?

Hostinka waa meesha ay xogtaada(data) lagu keedin doono waxaana lagu keediya (servers), marka waa inaad iibsataa qeyb yar oo ka mid ah serverka si aad ugu dhisto website kuu gaar ah, waxaa jiro compnys faro badan oo baxsha adeegaan kan aan isticmaalo waxaa loo yaqaan namecheap.com waxaana ku xushay xawaaaha iyo raqiista waxayna kuu sameenayaa discount marka aad ku cusub tahay, hadii aad iibsatay hostingka iyo domainka maxaa tilaabo ah oo xigaya?

waxaa kula wadaagaya stepka xiga ee aad ku dhaqaaqesid marka aad hostink iyo domain iibsatid, taas oo ah inaad ku xirtid websitekaaga waxa loo yaqaan SSL oo ah software kuu ilaalinaayo inaan loo dhicin ama la jabsan websitekaaga lacag ahaan ma badno waxuna ka hooseeyaa $5, N.B marka sida la iskugu xiro muqaal ayaan kasoo diyaarin dona HADUU ALLE RAALI KA NOQDO, stepka xiga ayaa ah inaad websitekaaga nashqadeesid oo aad ka dhigtid mid indhaha dadka soo jiidanaayo.

maqaalkaan ugama hadlaayo sida loo nashqadeeyo websiteka waayo laguma soo koobin karo qormo sidaas darteed courses ayaan ka diyaarinay oo si bilaash ah ku heleesid wa tan courseda blogging course

waa inaad leedahay sterategy kuu gaar ah

Tani waa muhiim oo dadka intooda badan kuma baraarugsano mana ku dhaqmaan steratygy u gaar ah sidaas darteed waxaa ku baraya sida aad usameesan laeed iyo sida aad u dabaqin laheed.

marka aan ku leeyahay waa inaad sterytey lahaataa waxaan ula jeedaa inaad sameesataa qorshe, qorshahaas oo ah inaad soo gudbisid hal mowduuc yacni ima aadan fahmin miyaa! waxaan ka wadaa waa inaad lahaata mowduuc aad kusoo gudbisid websitekaaga, sidaas darteed ka hadal hal mowduuc sida inaad ka hadashid digital marketing, sports, cryptocurence iwm. waxaan filaa inaad haatan i fahantay.

waa inaad account adsense furatid

Si aad u furatid adsense waxa lagama maarmaan ah inaad heshid adress sidaan la soco wadankeena malahan adrees aduunka laga yaqaan (marka ma xor baa nahay kkkkk) intaas yar waa kaftan

Marka waa inaad adress dibada ah raadsataa waxaan kuula talin lahaay inaad adsensegaaga ku xiratdid adsressyada USA ama UK waayo ayaga ayaa ah kuwa inta badan la aqoon sanyahay kana lacag badan kuwa kale.

gunnanad.

ma ahan wax adaa inaad lacag ka sameesid blogging kaliya mar tilaabooyinka aan idinla waadagay oo sameey baaris badan qaado courses badan waxay soomali dhahdaa lacaga lacag dhasho marka haka masuukin lacag yar ee aad xirfad ku baraneesid websitekaan ayaad ka baran kartaa waana qiimo macquul ah waana kan gacanqabad online

10 Replies to “Lacag ka sameey xirfada bloging?”

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *