Sidee ayaa ku noqon kartaa Turjumaa Farta ka Xiran?

Marka aad doonesid inaad noqotid qoraa farta ka xiran soo turjuma oo aad doonesid inaad soo turjintid buugagta ku qoran fararka kala duwan sida ENGLISH,FRENCH,ARABIC,IWM Maqaalkaan kaga bago dhamaan waxyabaha aad uga baahantahay inaad noqotid Turjumaa.
Waxaa looga baahan qofka doonaya inuu turjumo buugaag seddex arimood inuu sameeyo
Waa in Uu ahaada qofka Mid dhex dhexaad ah
Qofka wax turjumaa waa dhexdhexaadiye oo waxa uu dhexdhaxaadinee luuqada uu ka turjumaa iyo tan uu u turjumaa marka waxa laga rabaa qofka inuu labada luuqad si fiican u yaqaano, hadii uu doonaayo inuu tarjumo buug ku qoran luuqada Englishka uuna doonaayo inuu u turjumo looqada soomaliga ah marka waxayaabha laga doonaa waxaa ka mid ah inuu labada luuqad si buuxdo u yaqaano, marka qasab maahan in uu luuqadiisa oo kaliya wax ku tarjumo adoo soomali ah ayaa waxa kala turjumin kartaa sida inaad English aad u turjunto Arabic.
Waa uu ahaada mid Aamin ah (wax ku dareen waxna ka jareen)
Qofka waa in uu ahaada mid ah aamin oo aan ugala jeedo inuu uusan wax ka jarin waxna kusoo kordhin waxa uu turjumaa, mararka qaar waxaa dhacdo in qofka muslimka ah wax lid ku ah uu ku qoran yahay buuga markaas waa loo ogal yahay inuu ka tago ama sida wanaagsan ee diinteena sheegeso uu u sheego waayo ma jirto diin ka saxan Diinteena Suuban ee ISLAAMKA ah, sidaas darteed waa inaad iska fiirisaa waxa aad soo turjumee inay yahiin wax diinteena ku lid ah oo hadaad qodobkaan iska indho tirto in wax aad soo turjuntay adigu ay qof muslim ah ku kadsoomo oo diinteesa sawab ugu noqotid inuu ka baxo marka boqol jeer ka fikir oo iska eeg waxa aad turjumeesid.
Waa in uu ilaaliyo nuxurka ku jiro
Waa in aad sida saxan aad usoo rartaa waxa aad turjumeesid oo aadan ka tagin dhaqanka qofka aad waxa kasoo turjumee tusaale ahaan hadaad eegto dhaqankeena iyo dhaqanka reer galbeedka way kala duwan yahiin, waa inaadan ugala eexan labada dhinac oo sida ay tahay aad u sheegto.
Waxay la macno noqoneesaa inaad sida qofka u rabay aad u gaarsiido dadka aad wax u turjumee dadkaas oo ah kuwa aqrisan doono sheyga aad turjuntay hadii uu ahaan lahaay buug ama maqaal.
Tusaale sheego ayaad soo turjuntay waa in qofka aqrisaan sheekada uu dareemo in meel kale laga soo turjumay sheekada.