Sidee ayaa daqli uga sameen kartaa Youtube?

Su’aashaan dad badan ayaa inta badan is weydiiyo sida ugu fudud ee daqli fiican internetka looga sameen karo, maqaalkaan ayaa kaaga jawaabaya su’aalaha aad inta badan is weydiisaan oo ah siyaabaha online ahaan lacag looga sameeyo marka dhameesatid maqaalkaan ku dhaqaaq mida ugu fiican adi ahaan taada iska daay qof ayaa lacag ka sameeyay ee kaliya fiirso mid aad isleedahay lacag ayaa ka sameen kartaa.
Waxa si toos ah u bilaaweenaa ilaha kala duwan ee internetka daqli looga helo,

#1. Youtube chenall
Youtube waa Aalad loo isticmaalo in lagu soo gudbiyo muuqaalo sidaasna lacag looga sameeyo waana meesha ugu fudud ee manta lacag laga sameen karo, waana sawabta aan mida koowaad ugu dhigay.
Waxaad inta badan aragtaa dad youtube muuqaalo soo dhigaya si maalin le ah ma is weydiisay faa’idada ugu jirto inay maalin walba muuqaal soo gudbiyaan, hadaan taas kaaga jawaabo
Youtube waa sida website oo kale oo xayeysiis ayaa lagu soo bandhigaa maqaalada aad soo dhigtid waa hadii ADSENSE kuu furan yahay, si marka adsense laguugu furo waxa lagaa rabo ayaa ah inaad 1ksubscribe gaartid iyo 4hr Time watch marka intaas gaartid ayaa loo ogalanaya in youtue chenalkaada adsesne ama xayeysiis lagu soo bandhigo
Si aad adsense ufuratid waxa laga maarmaan ah inaad heshid address dibada ah waliba wadamada lacagaha fiican laga helo sida USA ama UK kuwaas oo ah meesha ugu lacagaha badan dhanka adsensega
Dhiiro galin.

Muhiim ma ahan inaad caan tahay oo dad badan heesatid waxaad ogataa dadka caanka ah marka ay bilaawaayeen caan ma aheen ee sidaada oo kale ayay ahaayeen, balse way usoo dhaga adeegeen oo waqti badan ayay galsheen marka waxaa lagaa rabaa inaad adigana aad ulafa adeegto oo aadan dhihin waxa ay somalida dhahaan ee MAALIN TAAJIR.
Sida muuqaal loo sameeyo?
Ka hor inta aadan youtube furan baro sida muuqalada loo sameeyo cododka sida loo hagaajiyo iyo sida thumbnailska loo sameeyo intaas hadaad baratid waxaa tahay youtuber dhameestiran.
Waxaa kula wadaagaya softwares aad kuu anfacaya lagana maarmaan ay tahay inaad taqaan hadaad rabtid inaad youtuber noqotid kuwaas oo aad si fudud ku baran kartid
- Adope premiere pro: waa software kaa caawinaayo inaad sameeso muuqaalo tayo saro leh oo dadka soo jiidanaya kuwaas oo aad ku helin kartid in ay dad badan kugu xirmaan waxaad ogataa dadka muuqalada qurxoon aad ayay u jacel yahiin, mana jeclo muqaalo aan tayo laheen
Waxaad kala dagin karta halkaan: la deg
- Adope Audition: waa software loo isticmaalo hagaajinta codadka iyo in codka laga dhigo mid tayo leh sida in laga saaro jabaqa codka ka danbeeyo ama sawaxanka hawada soo jiidaneeso microfonka waana appka loogu isticmaal badan yahay dhanka cod hagaajinta
Halkaan kala deg: la deg
- Adope illustrator: waa software loo isticmalo in lagu sameeyo brands kala duwan hadii ahaan laheed logo,thumbnails iwm, marka waxa adiga kaa quseeyo ayaa ah dhanka Thumbnails sida loo sameey, hadii kale wax aka fudud Canva oo ah meel laga helaayo kumanaan thumbnails oo diyaarsan kuwaasoo kaliya aad qoraalada iyo sawirada ka badalaneesid waana software bilaash ah.
Waxa jiro kuwa kale oo muhiim ah inaad taqaano balse kuwa ugu muhiimsan ayaa ah intaas balse hadi aadan aqoon inta aan soo sheegnay ma rabtid inaad youtuber noqotid ee waqti ha iskaga dhumin

Gunnaanad.
Ma jiraan wax aan loo dhabar adeegin hadaad wareesatid dadka youtuberska ah sida ay heerka sare kusoo gaareen waad layabeesa sida ay ugu dhafri jireen hal muuqaal sameentiisa, mid kamid ah youtuberska loogu magic yaqaano Somalia ayaa sheegay in uu 10saac oo xariir ah ku dul fadhiyay hal muuqaal sameentiid waa hada hal muuqaal lagana yaabo inaad adiga 10daqiiqo ku daawatid balse ma’ogid dhibka laga soo maray muuqaalkaas in la sameeyo, waxaa kusoo koobaya wax walba waa dadaal ee dhalinyarow hala dadaalo.
Work
YouTube
Please follow my instructions and of you need any more text my email or call my phone number