Side alaab looga keensadaa Alibaba?

Maqaalkaan waxaa ku dul istaagin doona dhowr qodod oo muhiim ah kuwaas oo inta badan dadka iska weydiinayaan suuqa alibaba, su’aalaha aad is weydiineso waxaa ka mid ah SIIDEE AYUU U SHAQEEYA ALIBABA iyo MAXA LA’IGA BAAHAN YAHAY SI AAN ALAAB UGA KEENSADO ALIBABA?\
Waa maxay Alibaba?
Alibaba waxaa loo tixgalshaa inuu kamid yahay suuqayada ugu waa weyn ee dhanka E-coomerce ama alaabaha lagu kala iibto waxaan la aas aasay 1999 waxaana aas aasay Jack ujeedka loo aasaasay ayaa ahaa in dadka ay alaab iibsadaan kadibna gurigooda loo keeno qofka asiga oo aan suuqa aadin.
Alibaba waxay aad ugu balaaratay aduunka 10kii sano ee la soo dhaafay waliba xiligii uu socday xanuunka caabuqa ahaay ee COVID-19 oo dadka inta badan ay guryaha ku jireen waxaan sandki lasoo dhafay la is dhexmarsaday lacag gaareeso 25 bilyan waana dareemin kartaa suuq lacag inta la eg la is dhaafsaday inuu yahay suuqa weyn, waana suuq furan oo qof walba ka ganacsan karo.
Side ayuu u shaqeeyaa ALibaba?
Qeybaha uu uka baxo ALibaba seddex ganacsi ayaa ugu weyn int badane loo qeybiiya suuqa alibaba waxayna kala yahii
Taobao for c2c,
Waa ganacsiga ugu weyn Alibaba waana qeybta xayeysiiska sida in alaabtaada laga soo muujiyo bogoga hore ee Alibaba sidaas ayaadna ku heleesaa macaamill badan.
Tmall for b2c,
Tmall (oo hore u ahaan jirtay Taobao Mall) waa “Amazon of China” maadaama ay ugu horrayn ku xidho ganacsatada iyo macaamiisha. Waxa kale oo ay ka kooban tahay in ka badan 70,000 oo Shiinees ah iyo summado caalami ah oo ka socda in ka badan 50,000 oo ganacsato ah.
Goobtu waxay u adeegtaa 180 milyan oo iibsadayaal ah, waxayna leedahay 47.6% saamiga ganacsiga-macmiilka ee Shiinaha
Alibaba for b2b.
Alibaba, waa madal ganacsi oo caalami Waxay ku xidhantahay ganacsstada iyo soosaarayaasha caalamiga ah. Isticmaalka Alibaba, ganacsigu wuxuu heli karaa soo saaraha si uu u abuuro badeecooyin badan oo uu u soo dhoofiyo dalkooda.
Waa maxay farqiga u dhaxeeyo Alibaba iyo Amazon?

Waxaa jiro farqi weyn oo u dhaxeeyo Alibaba Iyo Amazon oo ay tahay inaad fahanto Alibaba waxa uu isku xiraa soo saarayaasha chinaha iyo macaamiisha dibada kala joogto, alibaba ayaa ka macaash badan Amazon, sidoo kale Amazon maqaalkale ayaan uga hadlin doona haduu Alle idmo.
Caqabadaha ay la kulmaan Dadka iibsada alaabaha Alibaba
Caqabada ugu weyn ayaa ah dhanka luuqada, luuqadu waa aas-aaska in alaab lagala iibsado waayo labo qof oo aan isku wadan aheen ayaa alaab kala iibsanaayo marka waa in ay jirto luuqad ay ku xariiraan, luuqada inta badan la isticmaalo ayaa ah ENGLISH.
Caqabada kale ayaa ah in aad aaminto qof aadan is arag ogeyne meesha uu joogo waayo alaabta waxaa kaa gadaayo qof aad kala wadan joogtaan mar marka qaar ayaa dhacdo in tuugo soo gasho suuqa ayna alaab fake ah iibiyaan sidaasna caqabad ugu noqoto dadka ka ganacsada Alibaba balse waxa la shegaa in aad alaabta ka iibsatid qof mareykan joogo waana meesha ugu salan ugu aaminsan suuqa ALIBABA, Waxaa jiro isku dayo badan oo lagu xakameenayo dadka isku dayo inay dhacaan lacagaha macamiisha balse shirkada ayaa ku dabo joogto.

Side alibaba alaab uga keensan kartaa adiga oo Somalia joogo?
Alaab si toos ah uguma keensan kartid suuqa alibaba waxaa jirto dariiqooyin loo maro sida inaad alaabta ku xawishid Dubia oo kale kadibna aad kaargoo siisid lacag yar si uu Somalia kuugu keeno waxaa jiro cargo badan oo kuu keeni karo alaabaha suuqyada alibaba iyi Amazon.
Insha allah waxaan rajaynayaa inaan ka faaidaysto
i.a waxa rajayna ina sifudud kubarto
fudeed wx lgu barto wll e dadaal
Waxan ahay shaqo doon wax lacag ahna gacanta kuma haayo mxa iga caawin kartaa
xirfad aad ku shaqeesatid ayaan ku bareenaa
Waaan ubaahanahaywll ee ibar
Asc waxaan ahay qof shaqo doona
Hye