20 xirfad oo ay tahay inaad lahaatid 2023 || Baro Xirfad

Maqaalkaan waxa kula wadaagaya muhiimada ay leedahay skill(xirfad) lahaatid sanadkaan 2023 oo aad baratid ama hadaad taqaanay sii xoojisid oo lacag ka sameesid.
Helitaanka xirfad taas oo ka duwan tan schoolka ama jaamcada waxaad ku kasban kartaa lacag faro badan waayo waxaa la dhahay ninaan xirfad laheen waa nin caqli laheen sidaas owgeed xirfadaada ha ahaato mid aad laca ku kasban kartid, waxaadna ku ogaan kartaa waxaa eekeesaa dadka hore dhaqaalaha ugu sameeyay hadii aad aragto xirfad uu lacag ka sameeyay mudo yar,( markaan ku leeyahay mudo yar waxaa ula jedaa 6bilood) adne waa ka sameen kartaa lacag qofka xirfadaas lacag ka sameeyay waxba kuma dhaamo,
Waxaa maqaalkaan kula wadaagayaa 20xirfad oo ay tahay inaad mid baratid sanadkaa hada bilowday ee 2023 waxaana hubaal ah in aad xirfadahaan ku faa’idi doontid daqlina ku kasban doontid.
1. Suuq geyna(digital marketing)
Suuq geynta casriga ah(Digital marketing) waa mid ka mid ah xirfadaha aadka loogu baahan yahay qof yaqaano sawabtoo ah waxaa jiro kambaniyo(companies) badan oo u baahan in loo sameeyo suuqgeyn oo alaabtoodo loo suuq geeyo Baraha Bulshada si ay u haleen Macaamiil iibsato alaabtooda,
waxay sheegtay Wikipedia in 5-10% lacag gaareeso ay kambaniyadu(companies) ay ku baxshaan SuuqGeynta casriga ah EE Digital Marketing, sidaas darteed waa muhiim shirkad walba inay lahaato dhow qof oo u qaabilsan dhinacaas iyo suuq geynta casriga ah, waxayna noqoto xirfad cusub waayo sanadihii hore lama aqoon oo ma jirin social media sidaas darteed waxaa alaabaha lagu xayeysiin jiray idaacadaha iyo Telefeshinada(Tv).

2. Turjumaa
Shirkad walba waxay raadisaa qof turjumaa ah oo yaqaano luuqad sida English,Arabic iyo French iwm, haatan Somalia aan joogno qofkii luuqada English si fiican u yaqaano dhulka maba dhaco oo inGO ayaaba hore ka qaadato.
3. Qorida Blog/Article
Hadaan taqaanid sida blog loo qoro waad ku shaqeesan kartaa oo shirkada waxay rabaan qof ama labo ka caawiyo inay u qoraan qoraal suuqgeyn ah oo ay shirkadu alaabaheeda ku xayeysiisato.
4. Fahanka computerka
Xirfadaha hada jiro badankooda waxa u aas’aas ah inaad taqaano basic of computer taas oo kaa caawineeso inaad si fudud ugu shaqeesatid xirfadaadi aad taqaanay.
5. Data analysis
Xirfadaan waxay tahay mid muhiim ah oo barashadeeduna tahay mid adeg marka ku leeyahay way adeg tahay ma ahan u jeedkeegu inaa ku niyad jabiyo balse waa in aad kusii tashataa oo aad biyo u dhaansataa ileen dheel mahan in aad data structure ama data analysis si fudud ku baratid.
6. Hadalka dad weynaha (public of speaking)
Ka hor hadalka dad weynaha waa muhiim inaad taqaanid waxay muhiim u tahay marka aad soo gudbineesid xirfad aad taqaanid ama mashhruuc ayaa wadataa waxa u baahan tahay maal galin sidee ayaa ugu shegesaa? Soo ma ahan inaad baratid xirfada fakaare ka hadalka si aad uga dhaadhiciso ujeedka aad leedahay ama mashruuca aad doonesid in laguu maalgelsho.

7. Communication (is gaarsiin)
Hadaad xirfad taqaanid aadna aqoon xirfada isgaarsiinta(Communication) waxaa tahay dameer malab sido oo kale, waxa la sheegaa in ay muhiim tahay xirfadaan qof walba haduu ahaan lahaay shaqo doon ama mid waxbarasho ku jiro.
8. Shahaaadada google
9. Shahaadada microsoft
Labadaan shahaado hadii aad heesatid waxaa tahay qof wax badan ka yaqaan digitalka oo ma u baahnid shahaado kale waayo shirkadahaan shahaadada si dheel dheel ah kuma baxshaan, f.g barashadeeduna waa lacag la’aan.
10. Luuqad labaad
Inaad leedahay luuqad labaad waxa kaa caawinee inaad qaab turjumid ah ugu shaqeesatid adoo turjumid ku shaqeesanaa ayaadne xirfad kale uga faa’ideesan kartaa.
11. Maamulka shaqaalaha
Shaqada aan is leeyahay way ugu fiican tahay shaqooyinka la qabto waa shaqada maamulka shaqaalaha oo ma ahan mid iska dhib badan, balse qarash fiican leh. Hr hadaa ka shaqeeso waa ku muhiim inaad baratid xirfada maamulka shaqaalahada si aad ula wareegto shaqada dhanba.

12. Iibinta guryaha
Qoraaka buuga Rich Dad poor Dad Ee Robert Kiyosaki ayaa waxa hadaladiisa kamid ahaa inuu dhahay ilaha aad daqliga ugu badnaay ka helin waa iibinta guryaha, waxuuna hadalka ku daray in ay tahay muhiim loona baahan yahay inaad guri soo iibsatid wax yar kadibne aad iska sii ibisid, waana la og yahay wa halis(risk) balse qofaan halista u bareerin wax daqli ah ma helo.
13. Iibinta buugaagta
Uma baahno in laga sheego sida buugaag loo iibsho balse waxa ugu soo daray ayaa ah in manta dadkeenu ay fahanmeen muhiimada aqriska sidaas owgeed la rabo in maktabaduhu ay bataan.
14. Sawir qaadida
Xirfadaan inay muhiim tahay waa og tahay sawabtoo ah malin walba ayaa sawir u baahataa oo lacag laga qaataa, waxaa ishekeeyay yar ka shaqeey hotelada kaas oo shaqadiisu tahay sawir qaadida iyo muuqaal duubista inta aroosku socdo waxa hadaladiisa ka mid ah xirfadaan waa xoriyad waana lacag badan tahay oo waxa I sheegay inuu malinti helo lacag gareso $35-50.
15. Bloging
Waxaan uga hadlay maqaalkaan blogging ee ka aqriso halkaan
16. Mareynta waqtiga

Badankiina waxa is dhihin doontaan tan xirfad maahan balse Ninka lagu magacaabo Brain Tracy oo ah qoraaka buuga xakameynta waqtiga ayaa ku tilmaamay xirfada xakameynta waqtia mid ka muhiimsan dhamaan xirfadaha la barto.
17.Xisaabinta
18.Cunto karinta
19.Web design / Graphic design
Xirafda web design iyo graphic design waxa uga hadalnay maqaalkaan sida ay u shaqeeso iyo sida lacag looga sameeyo aqriso
20.Maan Haga
Ustaad maxamed omar ayaa sheegay in maan hagu yahay waxa keena in aad wax wanaagsan qabano sidaad owgeed inaad maankaada hagto oo aad u jeediso halka wanaagsan kana jeediso meesha xun ayaaba xirfad ah oo u baahan in xooga la saaro sidii lagu baran lahaay.
Wabillahi Towfiiq
Asc wn ka helay wuuna I qanciyy diyaarna waxa u ahy inaa ka faaidaysto computer ka suuq gaynta io turjumaapa
Thanks