Baro xirfada graphic design oo lacag ka sameey

baro sida lacag looga sameeyo blogging 5

Waa maxay grphic design?

Graphic design waa xirfad kamid ah xirfadaha manta lagu shaqeesto waana xirfad qofkii si buuxda u bartta si wanaagsan ugu shaqeesan laheed waana freelancer oo ma u baahnid inaad shaqeele noqotid Oo waxaa shaqadaada kusoo bandhigee platformska kala duwan sida fivver upwork freelancer.com

Side lagu bartaa xirfada graphic design?

Waxaa jiro websites laga barto kuwa bilaash ah iyo kuwa lacag ah kuwaas oo baxsho cours tayeesan balse waxaa kugu la talin lahaay inaad websitekaan ka bartid gacanqabad.site ama kala xariir lambarkaan

Sidee ayaa shaqo lagu helaa?

Xirfadaan hadaad taqaanid shaqo ma weynesid oo si freelancer ah ayaa ugu shaqeesaneesaa sidaas darteed shaqada aad qabanesid ayaa kusoo bandhigee platformska aan kor ku xusay kadib qofka rabo in shaqadaas loo qabto ayaa kula soo xariiraayo kadibna sidaas ayaa shaqada ugu qabaneesaa hadii ahaan laheed inaad logo u sameesid inaad thumbnail u sameesid iyo kuwa kale uu badan.

Waxyaabaha lagaaga baahan yahay?

Si aad xirfadaan ugu shaqeesatid waa inaad lahaata qodabadaan:

  1. Computer
  2. Internet

Hadii aad heesatid labadaas waxa ku sahlanaan doonto inaad xirfadaan ku shaqeesatid

Computerka waa kii aad ku shaqeesan laheed oo kumputer la aan ma shaqeesan kartid

Internetka waxa uu muhiim kuu yahay marka aad shaqada dhameesatid oo ugudbinesid macmiilka aad u shaqeesay oo inta aad shaqada qabaneesid muhiim ma ahan inaad internet heesatid.

Shaqada aad qabaneesid?

Shaqooyinka aad qabanesid way kala duwanaan karaan oo waxaa helin kartaa company cusub oo rabo in loo sameeyo logo+businesscard+website waxwalba oo (banner) marka aad intaa u qabatid waxaa ka heleesaa daqli fiican adiga oo aanan gurigaada dhaafin.

Muhiimada aan maqaalka uga diyaariyay xirfadaan ayaa ah in aan arkay dhalin yaro ka cabaneeso shaqo la aan kadib markii ay qaarkood kasoo baxeen jaamacado marka shahaado jaamacada ha isku haleen oo xirfad baro waliba waxa aan aad ula talinaa dhalin yarada haatan jaamacadaha dhigto in ay xirfad sii bartaan si ay nolol maalmeedkooda usoo dhacsadaan maku dhahaayi jaamacada iskaga tag oo xirfad kale ah baro laakin waxaa ku leeyahay waqtiga aad jaanis hesho ku baro xirfad.

Waa maxay freelancer?

Freelancer (xoriyad-shaqo) waa inaadan shaqaale kambani noqon oo aad iskaa u shaqeesataa taas oo dad badani manta ku shaqeestaan, freelancer wa barashada xirfad kadib ku shaqeenteeda yacni kuma eko graphic design oo kaliye balse waa dhamaan xirfadaha la barto sida kuwa gacan ama kuwa onlineka ah

Meelo kala oo laga shaqeeyo

hadii aad si buuxda u baratid xirfadaan graphic designka waxaad noqon kartaa barre(macalin) oo waxaad ardayda doonesa barashada graphc designka u sameenesa courses oo waxaa sameesaneesa website courses lagu gudbin karo halkaas ayaadna xirfadaada uga faaideesaneesa inaad dadka sii barto hadii aad donesid in laguu dhiso website courses lagu iibin karo ka dalbo lambarkaan.

Gunnaanad.

mar walba ku dadaal waxa ku anfacaya oo iska day ku mashquulida dad tooda gaaray marwalba nambar one ka dhig sidi aad xirfad u baran laheed midii rato ha ahaatee,

Inaad xirfad baratid ma ahan wax adag balse waa joogteen iyo gacan ku heyn gaar ayaan xirfadaan graphic designka waa inaad malin walba waxii ku cusub aad barataa oo aadan is dhigin dhamaan dadka jacel inay xirfad bartaan noloshoodana hormariyan waxaa idin rajeenaa guul iyo gobanimo.

mahadsanid

19 Replies to “Baro xirfada graphic design oo lacag ka sameey”

  1. Degelkani waa degel aan ku cusubahay koley waxyaabo badan waan ka baran doona haddi eebe Idmo laakin inaan Iz diwan galiyo ayuu diidan yhy

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *